DAHAGSYO 25 qof oo lagu waayey qarixii Ex-Control oo la shaaciyey

2057

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddigii uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey tirada dadka weli lagu la’yahay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan la la’yahay illaa 25 qof oo isugu jira caruur iyo sidoo kale dad waa weeyn oo leh rag iyo dumar intaba.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in caruurta la waayey ay gaarayaan illaa sideed oo 6 ka mid ah ay lab yihiin, halka labada kale ay dheddig yihiin.

Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in weli ay ku howlan yihiin raadinta dadkaasi iyo diiwan gelintooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli isbitaalka Madiina ay yaallaan meydad aan weli la aqoonsan oo la raadinayo ehelladooda, si loogu wareejiyo.

Qarixii Ex-Control oo dhacay maalin ka hor ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen 148 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Weli ma jirto cidsi sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Caasimada.