Man City Oo Guul Ka Gaartay Sheffield United +SAWIRRO

2449

Man City ayaa guul ay mudnaayeen waxa ay ka gaareen kooxda Sheffield United oo ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah xilli goolasha ay yimaadeen qeybtii labaad ee ciyaarta

Sheekada labda qeyb Man City iyo Sheffield United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee horyaalka Ingiriiska

Ciyaarta wax aya aheyd mid hal dhinac ah oo City ayaa kubadda iska maamulaneysay halka kooxda martida ciyaareen kulan daafac ah .

City kaliya waxaa ka maqnaa gool si waliba ayayna kubadda u gaarsiiyeen aagga goosha Sheffield United balse daafaca kooxdaas ayaa ahaa mid foojigan oo diiday in kubadda gaarto shabaqa

Guud ahaan , City waxa ay soo bandhigeen kubad isku xeran oo kalsooni ay ka muuqato waa ayna mudnaayeen in goolal kala baxana qeybtaas hoe balse ma dhicin

Soo laabashadii , Man City dar dar ayay ku soo galeen waxa ayna u nuglaayeen gool illaa ugu dambeyn uu dhaliyay Sergio Aguero daqiiqadii 52-aad

Sidaas oo ay tahay ,Sheffield United kubad geesinimo leh ayay ciyaarayeen mararka qaarna weerarka waa ay abuurayeen inkastoo durba laga soo celinayay.

Man City , si kubadooda wacan natiijo ugu turjumaan waxa ay sameeyeen badel iyaga oo soo giliyay Ilkay Gundogan daqiiqadii 62-aad waxaana loo saaray Bernardo Silva

Ka dib dhacdooyinkaas kooxda martida kubadda in ay la qeybsadaan City ayay bilaabeen waxa ayna ku dhiiranayeen in ay halis giliyaan City.

Dhamadkii , hanaankii City waxa uu muquday mid ay dib u gurteen halka kooxda martida dagaal ugu jireen gool xilli City ay u sii dheereyd in ay fursado dhowr ah qasarainayeen, waxa ayan daqiiqadii 82-aad saareen Aguero iyaga oo soo giliyay Philip Foden

Macalin Pep waa uu ku saxsanaa in Riyad fursado siiyo , waxa uuna ka shaqeeyay gool labaad oo culeyskii ka qaaday City daqiiqadii 82-aad waxaana dhaliyay Kevin De Bruyne

ka dib goolkaa labaad , City fursado kale ayay iska qasariyeen , waxa ayna daqiiqadii 88-aad soo gilioyeen Jesus oo loo saaray Raheem , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee nadiifka ah.