Deni oo ka carooday qoraalkii PSF

1150

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aad uga carooday qoraalkii kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF Puntland, ee looga horyimid Isbedka uu ku sameeyay Haggaanak Hay’adda PSF.

Siciid Deni ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga carooday, qeybta dambe ee qoraalka lagu daabacay Facebook (Puntland Security Force), kaas oo lagu sheegay inay Ciidanka PSF la socdaan cidda xariirka la sameysay cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland.

Mid kamid ah saraakiisha ku dhow Siciid Deni, ayaa sheegay in Madaxweynuhu yiri “ilma Diyaano, Aniga ayay igu tilmaameen cadowga Puntland, mana suuroobeyso in ay sii maamulaan Ciidanka PSF. Ama PSF Hay’ad qoys bay noqon oo la tirtiro sida maleeshiyo beeleedyadii, ama Ciidan dowladeed oo Dowladdu maamusho bay noqon”.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay xil ka qaadista ku sameeyay Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, isagoo u magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Aamiin Xaaji Khayr, oo ku beel ah Agaasimaha la bedelay.

Ciidammada PSF-ta Puntland ayaa waxaa taageera Dowladda Mareykanka, iyagoo qeyb ka ah mashruuca la-dagaalanka Argagixisada ee Mareykanku siiyo dalal badan oo caalamka ah. Hay’addan ayaa mudadii ay jirtay waxaa si gaar ah u maamulayay Qoyska Reer Cismaan Diyaano, oo ahaa Agaasimihii ugu horeeyay ee Hay’adda, iyadoo hoggaankeedu ahaa dhaxal ay isku wareejiyaan carruurta AUN Cismaan Diyaano.