DF oo amartay in lasoo xiro Jeneral Xuud

1503

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay waaran soo qabasho ah u jartay Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud, kaas degaanka Ceel-gaal ee gobalka Hiiraan ku haysta maleeshiyo tobaneeyo ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in booliska iyo melitariga gobalka Hiiraan lagu wareejiyay warqada amarka soo qabashada ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka la amray in ay xoog ku soo qaban karaan isaga iyo ciidankiisa haddii ay diidaan inay isa soo dhiibaan, ayada oo aan loo haysan wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ee ka dhashay amar diidada.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo ka tirsanaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha HirShabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday waxa uuna ku baaqay dagaal ka dhan ah HirShabeelle.

Tallaabooyinka uu qaaday Xuud ayaa horseeday in laba goor uu baaqdo safar uu magaalada Beledweyne ku tegi lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Jawi colaadeed oo xoog leh ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobalka Hiiraan, gaar magaalada Beladweyne oo ay ku dhowaadeen maleeshiyadaan oo mudooyinkaan isku hub aruursanayay degaanka Ceel-gaal.