DHAGAYSO Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Ex-Control

1870

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishan ka dhacay isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo iska soo duubay khudbad soconaysa in ka badan 20 daqiiqo ayaa sheegay in qaraxaas ay iyagu fuliyeen, isla markaana ay la beegsadeen saraakiil Turkish ah iyo wax uu u yeeray maleeshiyaad Soomaali ah.

“Maalinkii Sabtida waxaan weerar ka fulinay Isgoyska Ex koontorol Afgooye ee magaalada Muqdisho, weerarkaas kolonyadii lala beegsaday waa uu haleelay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac leh waxuu ugeystay Turkidii doolaanka ku soo qaaday dalka iyo maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Sidoo kale waxa uu qiray in dad shacabka ay ku le’deen halkaas, isgoo ku an dacooday inay aad uga xunyihiin, isla markaana uu ka gubanayo dhibka ay u geysteen umadda masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, taas oo uu sheegay inay hadda ku khasabtay inay u tacsiyeeyaan shacabkii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanta beelay qaraxaas.

Waxa uu sheegay in warbaahinta iyo dowladuba ay mar kasta “ku owr kacsanayaan dhibka soo gaara umadda oo aysan uga naxeyn sidooda oo kale, isagoo sheegay in haddii ay ka damqanayaan dhibka loo geysto shacabka ay ka dhiidhi lahaayeen kan ay ku hayaan dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Itoobiya.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in hadii hadafkoodu uu yahay inay laayaan dad shacab ah ay ku beegsa kareen meel ka dad badan Ex koontorol Afgooye, sida uu hadalka u dhigay, isgoo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxaas ku tilmaamay dagaalyahanadooda oo kale, kuwaas oo uu sheegay inay shahiid yihiin.

Cali Dheere ayaa ku eedeeyey in dowladda Turkiga hadafkeedu uu yahay inay qabsato dalka Soomaaliya.

“Dagaalkeenu kuma wajahna qof kasta oo Turki ah ee waxaan beegsaneynaa qof kasta oo la shaqeeya nidaamka calmaaniga ah ee ka taliya wadankaas, dadka Turkida ah ee iska ganacsada diinta Islaamkana haysta waxay noola mid yihiin muslimiinta kale ee dunida waana naga nabad galaayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale sheegashada Al-Shabaab ee qaraxaas ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta war ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed lagu sheegay in dal shisheeye uu soo abaabulay qaraxaas baaritaanana ay socdaan, wallow aysan NISA shaacin dalkaas.