DHAGAYSO:-Cabdi Qeybdiid oo udigay xildhibaanada

1603

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa ka digey in Golaha Shacabku qaato go’aano mar kale dalka mugdi galinaya, ayada oo la filayo inay kulmaan Sabtida.

Arrimaha uu Qeybdiid ka digay ayaa waxaa ka mid ah qorshe la sheegay in la rabo in xilka looga qaado ra’iisul wasaare Rooble, oo wararkiisa ay sii xoogeysanayeen saacdihii ugu dambeeyey.

Senator Qeybdiid oo galabta shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho ayaa ka dib shirkaasi waxa uu u waramey weriyahayaga Falastiin Axmed Iimaan, ugu horeyna waxa ay weydiisey sida uu u arko xaaladda Muqdisho ee xilligan.