DHAGAYSO“Abiye Dagaal, Yasid iyo Dhulboob ayuu Somalida kuwadaa”

1702

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka xudduudaha iyo dib-u-heshiisiinta ee dalka ayaa 41 xubnood oo gudigaas ka kooban yahay Soomaalida ka siiyey 1 xubin oo keliya, halka Tigreega laga siiyey 12 xubnood.

Xubinta Soomaalida la siiyey waa gabadh dhalinyaro ah oo hooyadeed Oromo tahay taas oo aan wax badan kala socon khilaafaadka Soomaalida iyo Oromada, arrimaha xuduudka iyo qaddiyadaha la isku hayo.