José Mourinho oo wajahaya hal sano xabsi ah

1681

José Mourinho oo xeer ilaalinta Spain kula heshiiyey in xabsiga lacag looga dhigo isla markaana uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya,
Heshiiska uu galay Mr Mourinho ayaa u suurto gelinaya inuu halka sano ee xabsiga ah uu ku gato 182.500 euro, halka uu siinayo waaxda canshuuraha Spain lacag dhan 1,98 milyan euro.

56 jirkan u dhashay dalka Portugal ayaa lagu soo oogay khiyaano canshuureed oo dhacday sanadihii 2011 iyo 2012, xilligaasoo uu tababari jiray kooxda Real Madrid. Waaxda canshuuraha dalkaasi Spain waxay aamisan yihiin inuu qariyey soo bandhigista daqligiisa oo ahaa 1,6 milyan sannadkii 2011 iyo sannadkii 2012 00 ahaa 1,7 milyan.