Dhageyso:-Deni oo markale diiday Sharciga doorashooyinka

1687

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeedinayey kulan ka dhacay Garoowe ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin khilaafka Dowladda & Dowlad goboleedyada qaar iyo Sharciga doorshooyinka qaranka.

Deni waxaa uu sheegay in qorshaha doorashada Soomaaliya ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana Sharciga doorashooyinka Qaranka ay ku jiraan qodobo ay kasoo horjeedaan.

Waxaa uu sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota la filayo in Baarlamaanka ay si duub duub ah u ansixiyaan Sharciga doorashooyinka,isla markaana qorshaha socda kaliya uu yahay mid aan aheyn nidaam doorasho oo sax ah.

Waxaa uu ku eedeyey Madaxda Dowladda Federaalka inay wadaan qorshooyin aan laga wada tashan iyo in afti loo qaado Sharci aan leysla wada eegin,isla markaana aysan Puntland aqbaleyn wax ka hor imaanaya Sharciga dalka.