DHAGEYSO: Wareysi Cabdi Xaashi oo Sir badan Bixiyay

1531

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Golaha Shacabka la horgeeyey nuqul aan ahayn midkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee baarlamanka ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ee Labada Aqal.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka.”

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay qaateen wax uu ugu yeeray go’aan siyaasadeed.

Cabdi Xaashi ayaa galabta wareysi siiyey Idaacada VOA SOMALI isagoo Arimo badana Ka hadlay shaaciyeyna inay Khaladaad badan ka dhex dhaceen Golaha Shacabka oo xeerar culus laga hadlay.