DHAGEYSO:Guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta gobolka Hiiraan oo laweeraray

1532

Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo dumar ah oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Qarax lala eegtay Guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta gobolka Hiiraan.

Bashiir Caddaani oo ka mid ah Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in labo ruux oo ka mid ahaa Ilaaladda Taliyaha in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Sidda uu sheegay Caddaani Qaraxa ayaa laga dejiyay Mooto Bajaaj, waxaana la dhigay Iridda Guriga taliyaha Ciidanka Asluubta gobolka Hiiraan.

Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale maanta baaritaano ka wadda Xaafado ka mid ah Magaalada Beledweyne.