Dib U Eegid: Man United Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Liita Oo Ay Dhigtay 1989-kii

1674

Kooxda Man United ayaa sii wada luminta dhibcaha xilli ciyaareedkan kadib markii ay bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League.

Labada Gool ee ay kooxda United dhalisay ayaa kala ah mid uu Goolhayaha Aston Villa ee Tom Heaton si khalad ah isaga dhaliyay iyo gool uu u dhaliyay daafaca Victor Lindelof.

Bar-Baraha ayaa la macno ah in ay Man United haatan heshay 18 dhibcood 14 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo boodhka ka jaftay rikoodh xun oo ay dhigeen sanadkii 1988/1989-kii.

Rikoodhkaas ayaa ah in ay man United kaliya 18 dhibcood ka heshay 14-ka kulan ee ugu horeeya ee horyaalka premier League taas oo ah midkii ugu yaraa ee ay ka hesho horyaalka tan ilaa xilli ciyaareedkii 1988/1989-kii markaas oo ay sidoo kale heshay 18 dhibcood.