Diego Costa oo ganaax culus la duldhigay

1706

War goordhow soo baxay ayaa lagu sheegay in ganaax culus garka loo geliyey weeraryahan Diego Costa kaddib falkii uu ku kacay kulankii kooxdiisa Atletico ay guuldarrada kala kulantay Barcelona.

Sidii la filayey oo ay sheegayeen warar maanta ka soo baxayey dalka Spain oo ay hadal haysay saxaafadda dalkaasi, Diego Costa ayaa la dul dhigay ganaax dheeri ah kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii kooxdiisa Atletico ay guuldarrada 2-0 kala kulantay Barcelona ee horaalka La Liga.

Waxaa Diego Costa garka loo geliyey siddeed kulan oo ganaax ah kaddib dhacdadii uu ku kacay garsoorihii kaarka cas u taagay ee Jesus Gil Manzano.

Xiriirka guddiga tartanka horyaalka La Liga ay afar kulan ku ganaaxay Costa aflagaadadii uu Garsooraha u geystay, halka afarta ee kulena lagu ciqaabay inuu qabsaday oo uu soo jiiday garsooraha.

Kaliya Todobo kulan ayaa ka harsan horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan sidaa darteed wuxuu Diego Costa seegi doonaa garoomada inta ka harsan xilli ciyaareedkan.