Donald Trump oo ku dhawaaqay inuu ka tegayo aqalka cad

1321

Madaxweynaha mudadiisa xil hayntu dhammaatay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado, isagoona markale celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed.

Joe Biden oo ahaa musharaxa xisbiga dimuquraadiga ah ee Maraykanka ayaa waxa uu ku hoggaaminayaa Donald Trump 306 cod halka Trump helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka.

Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan, Iyadoona Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

HALKAN KA AQRISO SHEEKADAN