Dowlada iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub gaaray iyo Xildhibaano badan oo la siiyay Ahlu Sunna

2187

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ee ku aadanaa arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Wada hadalo maalmihii la soo dhaafay u socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kama dambeys waxaa saaka laga gaaray heshiis buuxa, iyadoo la xaliyay tabashooyinkii dhanka Ahlusuna iyo caqabadihii ku hor-gudbanaa geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug.

Ahlusuna ayaa loo ogolaaday 20 kursi oo Xildhibaanada oo ah qoondada Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qodobkan ahaa kan ugu weynaa ee ay isku hayeen dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, maadaama Ahlusuna dalbaneysay in la siiyo 35 kursi oo qeyb ka ahaa heshiiskii hore.

Heshiiskan ayaa lagu xusay in ay gacan ka geysteen Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad magac leh oo kasoo jeeda degaanka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafkii taagnaa uuna uga mahadcelinayo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo dadaal badan ku bixiyey.

” Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska laga gaaray kala aragti duwanaanshihii dowlada federaalka iyo Ahlu Suna ee dhismaha Galmudug. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waqti badan geliyay sidii arintaan loo xalin lahaa. Waxaa sidoo kale u mahadcelinayaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii ka shaqeeyay in uu miro dhal noqdo heshiiska maanta la gaaray” ayuu yiri Mahad Salaad.