Dowladda Faderaalka oo bayaan kasoo saartay xaalada Koofur Galbeed.

10

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS),
ayaa shaacisay in ay si degdeg ah uga howlgaleyso xallinta Khilaafka ka taagan deegaannada Koofur Galbeed, iyadoo cambaareysay go’aanka ka soo baxay Maamulkaasi.
Bayaan ayaa lagu sheegay in dowladu aysan “marnaba qeyb ka ahayn xasillooni darrada ka abuurantay qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna si degdeg ah uga howlgaleysaa joojinta colaadaha iyo in wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wadahadal, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.”.
Dowladda waxa ay ugu baaqday maamulka Koonfur-Galbeed in uu sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta.
Sidoo kale, DFS waxa ay ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka in ay ka feejignaadaan wax walba oo khatar galin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka ee ku dhagan deegaannada Koonfur Galbeed.