Dowladda Soomaaliya oo 700 kun oo dollar ku wareejisay Somaliland

18

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 700,000 (toddoba boqol oo kun) oo dollar ku wareejisay guddida abaaraha ee Somaliland, xilli ay xukuumadda Somaliland waddo gurmad gargaar loogu fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gobollada Awdal iyo Salal.

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka tirsan guddida abaaraha ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay waajib ku tahay in ay isku-gurmadaan marka qayb ka mid ah ay masiibo haleesho, isaga oo u mahadceliyay dowladda Soomaaliya.

“700,000 oo dollar ayay inoo soo dirtay abaaraha, waana wax aynu dhaqan u lahaan jirnay had iyo jeer marka abaaruhu meel ka dhacaan in aynu isku-gurmanno. Waanu ugu mahadnaqayna, waanu ugu ducaynayna,” ayuu yidhi Sheekh Geedi.

Dr. Siciid Maxamed Faarax oo isna ka tirsan guddida ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay ka dhaxayso wax istarka xilliyada ay dhibaatooyinku jiraan, isla markaana ay dowladda Soomaaliya uga mahadcelinayaan lacagta gargaarka ah ee ay soo gaadhsiisay. “Wax ka badan Alle ha idiinku beddelo miisaanka xasanaadka, Alle ha idiin saaro,” ayuu yidhi Dr. Siciid.

Inkasta oo Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay siyaasad ahaan aad iskaga soo horjeedaan, haddana marar badan waxa dhacda in ay iska caawiyaan ka soo kabashada masiibooyinka, iyada oo labada dhinac lacago iyo gargaar isku taageeraan.

Somaliland ayaa hore uga qaybqaadatay taakulaynta dadka ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku dhufteen badhtamaha Soomaaliya, iyada oo lacag boqollaal kun ah iyo raashin ku taageertay dad shacab ah oo daadad ku halakeeyeen gobolka Hiiraan sannado ka hor.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka gaysatay dib u dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa, iyada oo lacag gargaar ah soo gaadhsiisay guddidii dib u dhiska suuqa kadib markii uu gubtay saddex sano ka hor.