Dowlda Uk oo taageertay ansixinta xukuumada cusub

443

Safiiradda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, ayaa u hambalyeysay Golaha Wasiirada ee cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maanta oo Axad ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ansixiyeen.

Waxey sheegtay inay rajeyneyso in dowladda Soomaaliya ay u qalab qaadato mudnaan kala siinta hawlaha horyaalla, sida ammaanka, dibu heshiisiinta, iyo arrimaha bani’aadanimada, si dhammaan dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada soo xaadirtay Xarunta Villa Hargeysa, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaanna uu ka aamusay cod qaadista.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.