Dr Cabdi Khayre (Fiimto) oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

1694

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan Koonfurta magaaladaasi ku dileen nin ka shaqeenayay arimaha caafimaadka.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa rasaas huwiyay Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) xili uu kasoo baxay masjid uu salaada cishaha kusoo dukaday, waxaana goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday dableydii dilkaasi fulisay.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe ka shaqeenayay arimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxa uuna la shaqeenayay Hay’ad samafal oo ka howlgasha magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) ayaa horey usoo noqday Wariye ka shaqeenayay idaacada Radio Muqdisho , waxa uu sidoo kale macalin kasoo noqday iskuulo kuyaala magaalada Muqdisho kahor inta uusan u wareegin magaalada Gaalkacyo uu hada ka shaqeenayay.