Eden Hazard Oo Saadaaliyay Kulanka Chelsea & Man City Ee Premier League Ee Kadib Fasaxa Xulalka.

1787

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa saadaaliyay in ay kooxda chelsea ee da,yarka ah garaaci doonto kooxda difaacanaysa horyaalka premier League kulanka ay isaga hor iman doonaan sabtida kana tirsan premier League.

Kooxda chelsea la ciyaari doonta kooxda difaacanaysa horyaalk kadib fasaxa xulalka kulan ay booqan doonto Etihad Staduim iyaga oo halkaas booqan doona markii ugu horaysay tan ilaa markii ay City 6/0 ku garaacday bishii February markii uu Maurizio Sarri hogaaminayay kooxda.

Laakiin Frank Lampard oo hogaaminaya xiddigo da,yar ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo haatan ka sareeya kooxda City dhanka kala saraynta horyaalka premier League.

Hazard oo la waydiiyay fursadaha chelsea ee garaacista Man City ayuu U sheegay Sky Sport”Ma noqon doonto mid fudud, way adagtahay in lagu ciyaaro Etihad Staduim”.

“Markii ugu dambaysay ee aan halkaas ku ciyaarnay waxa nalagu garaacay 6/0 waxana ay chelsea ku leedahay xasuus xun”.

“Laakiin waxa u malaynayaa in ay chelsea xilli ciyaareedkan fiicantahay, waa koox da,yar ah laakiin way fiicanyihiin sidaas darteed way badin karaan kulankaas”.