Everton Oo Dhulka Dhigtay Chelsea +SAWIRRO

1453

Ka dib ciyaar dar dar laheyd oo ay labada koox soo bandhigeen awood kubadeed waxa Everton guul qaali ah ka gaareen Chelsea oo ay uga talaabsadeen hal gool.

Ciyaar adag oo cadaadis leh ayay labada dhinac bandhigeen waxaana ka go`aanaa in natiijo ay kala gaaraan .

Chelsea waxa ay soo bandhigeen ciyaar dar dar leh balse gool ayaa diiday qerybtaas hore oo birta iyo goolhayaha Everton ayaa u diidanaa .

Everton aad ayay ugu wacnaayeen daafac ahaan waana u diideen Chelsea in si sax ah u soo gaaraan afka hore waxa ayna dhaka kale ku dilayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Xilli xaalka sidaas ahaa , Chelsea waxaa lagu helay qalad rigoore ahaa waxaana daqiiqaddii 22-aad ka dhaliyay Gylfi Sigurdsson waxaana xusid mudan in ka dib goolkaas in Chelsea ku fiicnaayeen cadaadiska iyo maamulka qadka dhexe xilli shaqadaas uu qabanayay Kante .

Qeybta labaad , dar darta ciyaarta aad ayay u sareeysay xilli Chelsea ay soo bandhigeen ciyaar weerar ah balse xalka ayaa ka maqnaa maxaa yeelay Everton daafac adag ayay ciyaarayaan .

Chelsea waxa ay ku siganayeen gool labaad balse waxaa bad baadinayay goolhaye Mendy xilli kubadaha Everton ay ku imaanayeen qaab rogaal celis ah waxa ayna daqiiqaddii 62-aad Everton loo dhigin rigoore ay lahaayeen maaa yeelay xiddiga qaladka lagu galay offside ayuu ahaa waxaana la maciin biday VAR .

Chelsea ma jirrin dadaal u harsanaa si waliba ayay isku dayayeen in ay goolka bar bar dhaca keenaan xili Chelsea badalkooda ugu horeeyay ay sameeyeen daqiiqadii 68-aad waxa ayna waqtigaas soo giliyeen Abraham oo loo saaray Havertz .

Labada dhinac aad ayay isu weereereen dhamaadkii balse Everton ayaa halis ku aheyd dhanka fursadaha iyaga oo maciin bidiyay kubadaha rogaal celiska ah , waxaana Chelsea daqiqisdii 89-aad gool cajib noqon alahaa u diiday birta Everton ka kubad Free Kick aheyd ee uu laadaay Mount

Chelsea badalkoodii labaad waxa ay sameeyeen daqiiqadii 82-aad iyaga oo giliyay Gilmour oo loo saaray Kovacic , si waliba ayayna isu weereen xilli Everton ay soo bandhigeen ciyaar deggan oo kalsooni leh waxa ayna ku dhameysteen halkaas gool ee ay guusha ku raacday Everton, waxaana xusid mudan in heerka kubad hayshada Chelsea uu gaaray %72