(Live-Update): Majalada France Football Oo Bilowday Soo Saarista Boosaska Xiddigaha U Tartamaya Ballon d’Or 2019

1981

Majalada France Football ayaa bilowday in ay shaaciso kaalmaha ay ku kala jiraan xiddigaha 30-ka xiddig ee u tartama abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2019.

Majalada ayaa bilowday in ay bogeeda Twitter-ka ku soo bandhigto kaalmaha kala duwan ee xiddigaha ka qayb galay tartanka abaalmarinta Ballon d’Or-Ka.

Waxa sidaas loo wadi doonaa soo saarista boosaska xiddigaha kala duwan ilaa inta laga gaadhi doono 3-da xiddig ee ugu sareeya ee ku tartami doona abaalmarinta sanadkan.

Hadaba Waxa ay kooxda.com halkan kuugu soo bandhigi doontaa si Update ah marba xiddiga la soo saaro & Labarkiisa ka hor inta ayna bilaaban xafladu.

Halkan Kaga Bogo xiddigaha ilaa haatan la soo saaray:

28-Joao Felix
28- Marquinhos
28- Donny van de Beek
26- Karim Benzema
26- Georginio Wijnaldum
24 – Kalidou Koulibaly (Napoli)
24 – Marc André ter Stegen (Barcelona)
23 – Hugo Lloris (Tottenham)
22 – Son Heung-min (Tottenham Hotspur)
20 – Pierre Emerick Aubameyang (Arsenal)
20 – Dusan Tadic (Ajax)
19 – Trent Alexander Arnold (Liverpool)
18 – Antoine Griezmann (Barcelona)
17 – Roberto Firmino (Liverpool)
16 – Sergio Aguero (Manchester City)
15 – Matthijs de Ligt (Juventus)
14 – Kevin De Bruyne (Manchester City)
13 – Eden Hazard (Real Madrid)
12 – Raheem Sterling (Manchester City)
11 – Frenkie de Jong (Barcelona)

Xiddigaha Kala Duwan ee ka qayb galay xaflada ayaa haatan soo xaadiray iyada oo haatan la isku diyaarinayo in ay xafladu si Rasmi ah u bilaabato.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sawirada xiddigaha soo xaadiray Xaflada:

Ivory Coast legend Didier Drogba arrives with his family

RASMI 10-ka xiddig ee ugu dambeeya ee Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Oo Haatan La Soo Saaray:

Alisson

Robert Lewandowski

Riyad Mahrez

Sadio Mane

Kylian Mbappe

Lionel Messi

Cristiano Ronaldo

Mohamed Salah

Bernardo Silva

Virgil van Dijk

Abaalmarinta Kopa Trophy:

xiddiga kooxda Juventus ee Matthijs Le Ligt ayaa ku guulaystay abaalmarinta da,yarka ugu fiican ee Kopa Trophy isaga oo galay kaalinta 1-aad.

View image on Twitter

Abaalmarinta: The Yashin Trophy Oo La Shaaciyay:

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay abaalmarinta The Yashin Trophy isaga oo abaalmarinta ku garaacay Marc-André ter Stegen, Handanovic, Anena, Oblack, Kepa, Aderson, Manuel Neuer, Wojciech Szczęsny.

View image on Twitter

Xiddiga Ugu Fiican Adduunka Sanadka 2019:

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii 6-aad ee taariikhdiida ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adudunka ee Ballon d’Or kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay sanadka.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku mutaystay ku guulaysiga horyaalka La Liga oo uu kula guulaystay Barcelona iyo waliba tartanka Gool dhalinta yurub oo uu ku guulaystay.