FAAH.FAAHIN, Wararkii ugu danbeyey Ee ka Imaanaya Dhuusa Mareeb

1872

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya kulamo iska soo horjeeda, kaasi oo lagu kala taageerayo dowladda Dhexe iyo hoggaanka Ahlusuna.

Sidoo kale waxaa isla magaaladda ka socda shirar kale oo looga arrin-sanayo ammaanka iyo sidii shacabka door uga qaadan lahaayeen nabadda.

Gudiyada kala Duwan ee Doorashooyinka ee ku Sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Koox walbaa Howsheeda Sii Wadataa, Iyadoo Dhinac walbaa Ku Dadaalayo in uu Dhinaca kale ugu Hardamo Shirarka iyo Kulamada Dadweynaha .

Galmudug ayaa xilligaan u muuqata mid galeysa khilaaf horleh oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna.

Jahwareer siyaasadeed ayaa xiligan ka taagan magaalada dhuusamareeb, kaasi oo salka ku hayo magacaabista guddiga doorshada maamulka Galmudug.