Faah Faahin: Weerar bambaano oo lagu qaaday guriga guddoomiye degmada Dayniile

1657

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka bambaano, kuwaasoo ahaa ilaalada Guddoomiyaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas ay fureen Ilaalada Guddoomiyaha ay ku geeriyootay haweeney wadatay canug yar oo saarneyd mooto bajaaj.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray guriga la weeraray ayaa howlgalo baaritaano ka sameeyay xaafadaha ka ag dhow guriga guddoomiyaha degmada Dayniile.

Dhowr jeer oo hore ayaa bam gacmeed lagu weeraray Guriga Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar degmada Howlwadaag.