Falanqayn: Hazard, Zidane & 5 Sabab Oo Ka Dambaysay Bar-Barihii Niyad Jabka Lahaa Ee Real Madrid Kala Kulantay PSG

1977

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la gashay kooxda PSG kulan ka tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Bar-barahaas ayaa ahaa mid ayna Real Madrid u qalmin marka loo eego in ay ahayd kooxda qaab ciyaareedka fiican inta badan ciyaarta waliba u awood sheegtay kooxda reer France.

Laakiin PSG ayaa Los Blancos ku qasabtay in ay kaliya hal dhibic ka hesho kulan ay ahayd kooxda awooda badan waliba u qalantay in ay dhaliso wax ka badan 2 gool.

Hadaba waxa aan Falanqayntantan ku soo bandhigi doonaa 4 sabab oo ka dambaysay bar-barihii ay PSG ku qabatay kooxda Real Madrid.

1.Dhaawacii Eden Hazard:

Inkasta oo uuna wax gool ah dhalin hadana Eden Hazard ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee kulankii ay kooxda Real Madrid bar-baraha la gashay kooxda PSG.

Eden Hazard ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda PSG isaga oo mar walba oo uu kubada lugta ku dhigo halis weyn galinayay kooxda PSG si toos ahna ugula ordayay dhanka Goolka PSG.

Hazard ayaa xitaa haa xiddigii sida cajiibka ah uga shaqeeyay goolkii 1-aad ee uu Karim Benzema dhaliyay isaga oo kubada ka jiiday bartamaha garoonka kadib geeyay goolka hortiisa.

Waxa intaas sii dheeraa in uu Hazard si weyn kooxda uga caawinayay in ay kubad dib u soo ceshadaan marka ay lumiyaan kubada isaga oo dhawr mar ka dilay kubada xiddigaha PSG taas oo si weyn u caawisay daafaca kooxda Real Madrid.

Laakiin Markii uu xiddigu dhaawaca uga baxay daqiiqadii 65-aad waxa ay Los Blancos si dhab ah u tabtay bixitaanka xiddiga reer Belguim ee dhanka weerarka iyo daafaca.

2.Khaladaadka Daafaca:

Xiddigaha daafaca Real Madrid ayaa ahaa kuwo si fiican isugu duuban waliba isku xidhnaa laakiin wixii ka dambeeyay daqiiqadii 80-aad daafaca Real Madrid ayaa si lama filaan ah u bur-buray isaga oo goolkii 1-aad ee uu Mbappe dhaliyay khaladka lahaa daafaca reer France ee Varane.

Sidoo kale Real Madrid ayaa ka badbaaday dhawr khalad oo ka yimid dhanka daafca kaas oo ay sameeyeen xiddigaha kooxda daafaca uga ciyaara iyaga oo ilaashan kari waayay 2 gool oo ay kaga hor mareen kooxda PSG.

3.Badalkii Zidane:

Badalkii uu sameeyay tabbare Zidane ayaan wax is badal ah ku samayn ciyaarta iyaga oo guud ahana la dhaadhacay koox qaab ciyaareed fiican ku jirtay taas oo PSG ka caawisay in ay dib ugu soo laabato ciyaarta waliba keeni gaadhay in laga dhaliyo goolal kale lagana badiyo kooxdooda.

Zidane ayaa saaray xiddiga wacdaraha ku jira ee Valverde isaga oo soo galiyay xiddiga Luka Modric waxana ay arintaas keentay in ay furanto dhexda oo uu da,yarka reer Uruguay si cajiib ah isugu hayay.

4.Isco:

Tababare Zidane ayaa si lama filaan ah Isco uga doortay da,yarka wacdaraha dhigaya ee Rodrygo kaas oo saddexley dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee uu ciyaaray tartanka champions Leageu.

Isco ayaa ku bilowday kulankii ugu horeeyay kadib muddo dheer oo uu dhaawac uga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkan waxana uu saamayn ku yeelan waayay shaxda kooxda Real Madrid.

5.Dhayalsi:

Kadib markii ay dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta xiddigaha Kooxda Real Madrid ayaa bilaabay in ay iska nastaan ciyaarta dhexdeeda maadama ay 2 gool dhaliyeen 10 daqiiqana ka hadhsanayd ciyaarta.

Laakiin taas ayaa keentay in ay khasaariso fursadii 2-da gool ee ay ku hor mareen ciyaarta iyada oo kooxda PSG dhalisay 2 gool oo deg-deg ah ciyaartana dib bar-baro uga dhigay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Joogista Ragga Ee Gurigu Saamayn Ugu Yeelato Xidhiidhka Lamaanaha, Maxayse Dumarku Uga Xanaaqaan?