Fanaqayn: 5 Arimood Oo Sabab U Ahaa Bar-Barihii Man United La Gashay Sheffield United.

1777

Man United ayaa iska khasaarisay fursad ay ku aadi lahayd kaalinta 5-aad kagana bixi lahayd kaalinta 9-aad ee ay haatan kaga jirto kala saraynta horyaalka premier League.

Red Devils ayaa bar-baro la gashay kooxda Sheffield United kulan ay Wiilasha Solskjaer kaliya ciyaareen qayb ka mid ah ciyaarta marka loo eego xogta iyo qaab ciyaareedkooda.

Hadaba waxa aan Halkan ku soo bandhigaynaa Falanqaynta sababihii Red Devils bar-baraha ula gashay kooxda Sheffield United.

1.Qaab Ciyaareedkii Hore Ee Ciyaarta:

Kooxda Man United ayaa la odhan karaa waxa ay soo bandhigtay qaybgii hore ee ciyaarta qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya hal laad ku laagay goolka koooxda Sheffield United sidoo kale ku dhibaatooday in ay sameeyaan fursado sidoo kale ay ku adkayd in ay kubada horay u wadaan.

2.Phil Jones:

Daafaca reer England ayaa markii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan ku bilowday horyaalka premier League laakiin soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita isaga oo sameeyay khaladaad xun oo keentay in ay kooxda Man United la kulanto goolal 2 ah qaybtii hore ee ciyaarta taas oo keentay in qaybtii nashada laga saaro ciyaarta laguna badalay Jesse Lingard.

3.Anthony Martial:

Xiddiga reer France ayaa ahaa Maqane Jooge intii ay socotay ciyaarta isaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta isaga oo ahaa xiddigii ay kooxda Sheffield United Dheerayd Man United isaga oo aan laga dhex arkayn bilowgii ciyaarta ilaa intii badalka lagu sameeyay.

4.Khadka Dhexe:

Xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Man United ayaa sidoo kale gabi ahaan ahaa kuwo aan isku xidhnayn iyaga oo ku dhibaatooday in ay joojiyaan weerardii rogaal celiska ahaa ee ay kooxda Sheffield United halka ayna sidoo kale kooxda ku haysan xiddig kubad sameeye ah Juan Mata-na kaydka ku bilaabay.

5.Doorashada Solskjaer Ee Shaxdiisa:

Tababare Solskjaer ayaa ku khaldamay doorashada shaxda isaga oo ku ciyaaray 3 daafac ah waliba ku bilaabay xiddig aan wali horay u ciyaarin kulan premier League ah kaas oo ahaa Phil Jones inkasta oo uu 4 daafac ah ku ciyaari karay waliba xoojin karay dhanka weerarka ama Khadka Dhexe.