Farmaajo oo diiday qodobo ay hor-dhigeen bulshada rayidka

1630

Shir gaar ah oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Shirkan oo dhacay bartamaha toddobaadkii hore, xili habeen saq-dhexe ah ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo laga dalbaday 4 qodob, waxaana la sheegay inuu diiday dhamaantood.

Xubno ka mid ah guddiga la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay kala hadleen.

1 – Inuu guddiyada doorashada ka saaro xubnaha askarta, shaqaalaha dowladda iyo taageerayaashiisa ah ee la yaqaano ama la soo gudbiyey magacyadooda, si loo dhameeyo buuqa doorashada.

2 – Inuu la fariisto xubnaha mucaaradka gaar ahaan musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo muddooyinkii la soo dhaafay shirar ku lahaa Muqdisho.

3 – Inuu dhaqan geliyo qodobadii lagu heshiiyay ee doorashada, gaar ahaan arrimaha quseeya gobalka Gedo maadaama ay Jubaland sheegtay in looga baxay heshiis hore looga gaaray arrimaha Gobalka Gedo.

4 – Iyo in doorashada waqtigeeda ku qabsoonta si loo ilaaliyo xasiloonida dalka, inkasta oo tan ay mid hadda aan suurta-gal aheyn maadaama bil ka badan dib loo dhacay, mar horeba.

Qaar ka mid ah dadkii kulankan goob joog ahaa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad u dhibsaday dalabka xubnahaan isagoo sheegay intaan xitaa haddii uu sidan sameeyo ay mucaaradka la iman doonaan dalabyo kale.

“Annaga waxaan u sheegnay in aanan lacag ka rabin, xilna ka rabin waxa aan wadnana ay yihiin waxa dhabta ah ee dalka ka jiro, balse fadhiga ayuu nooga kacay xataa kulankaas lama baahin meel lagu soo qorayna maleh, taas ayaana kuu cadeyneyso inuu ka xumaaday wixii aan u sheegnay,” ayuu yiri mid kamid mas’uuliyiintii kulankaas ka qeyb galay.