Senator Muuse Suudi Yalaxow Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo maanta gacan isula tagi gaaray

86

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo weli ka doodaya dhameystirka dastuurka ayaa maanta mar kale kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uu hareeray buuq xoogan.

Buuqa ayaa ka dhashay dood si gaar ah u dhex-martay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo isku qabtay arrimo ku aadan dastuurka.

Xildhiban Waliid oo ka hor hadlayay golaha ayaa ka hadlay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo su’aallo ka keenay qaabka wax loo qado, laakin waxaa hadalkaas ka horyimid oo xildhibaanka u jawaabay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Senatorka ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan oo kale aan la fileyn xildhibaanka, maadaama uu kamid ah guddiga dastuurka labada aqal ee baarlamaanka dalka.

“Ninkan wuxuu ka tirsan guddiga dastuurka inuu isaga dacwo kale keeno oo annaga naga horkeeno kuma haboona” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Intaas kadib waxaa hadalka sii qaatay Xildhibaan Maxamed Waliid oo sheegay inuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo fikirkiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

“Aniga waa kamid ah guddiga dastuurka,laakiin xaq waxaan u leeyahay in aan waxa aan qabo ku daro” ayuu ku dooday Xildhibaan Waliid oo mar kale qaatay hadalka.

Sidoo kale wuxuu si adag ugu jawaabay Senator Muuse Suuid, isaga oo ay ka muuqato caro aad u xoogan oo ka dhalatay doodda dhex-martay labada nin.

“Ma ra’yigeyga ayaa ii diideysaa Senator ma sharci ayaad u haysataa adiga? yaa awooddaas ku siinaya” ayuu isna ugu jawaabay Xildhiban Waliid.

Waxaa kale oo uu Xildhibaan Maxamed Waliid khudbadiisa sii raaciyay Aad ayaa u khaldan tahay ee Akhlaaq yeelo”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka doodaya cutubka 4-aad ee dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland.