Farmaajo oo isbadal ku sameeyay Gud Kuxigenada gobolka Banaadir

1453

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is-beddel ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, isaga oo xilalka ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada maamulka, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Axmed Xasan Iiman.

Madaxweynaha ayaa Cali Cabdi Wardheere u magacaabay ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, isaga oo xilkan ka qaaday Cumar Cali Cabdi.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale u magacaabay Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas laga qaaday Cumar C/risaaq oo ahaan jiray Xoghayihii gaarka ee Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.