Farmaajo wuu ku saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

355

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa si deg deg ah uga jawaabay qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku baahiyay bartiisa Facebook, oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay gabaadfalo ka gaysatay magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in anay sax ahayn in reer Laascaanood lagu qasbo midnimada Somaliland.

Kadib qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu ku saxsana in uu isku dayo in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ku sifeeyay nacas wayn.

“Farmaajo wuu saxsana markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u muuqday in uu ka cadhooday qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku dhaliilay qaabka xukuumada Somaliland uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe ayaa ah siyaasi xukuumada Somaliland aad u mucaarada, wuxuuna marar badan madaxweynaha ku eedeeyay in uu isagu sabab u ahaa dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood, laakiin waxa uu kasoo horjeeda in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool.