Laftagareen, Qoorqoor & Guudlaawe oo kuwajahan Garoowe

205

Saddex kamid ah madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe, si ay kulamo ula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Xubnaha tagaya Garoowe ayaa kala ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, kuwaas oo ergo ka ah Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud laguna magacaabay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay todobaadyo kahor caasimadda KMG ah ee KGS (Baydhabo).

Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa doonaya in ay dhexdhexaadiyaan Siciid Deni iyo Xassan Sheekh Maxamuud, si hoggaamiyaha Puntland loogu qanciyo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay horaanta bisha soo socota ee May.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in saddexda Madaxweyne ay Garoowe keeni doonaan ballanqaadyo ay ka wadaan Madaxweyne Xassan, si Deni ugu badasho xaadirida Madasha Wadatashiga Qaran oo uu ka baaqsaday kulamadii ugu dambeeyay.

Dadka ka agdhow Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa rumeysan in uusan aqbali doonin wadashaqeyn u la yeesho Villa Soomaaliya, xilli uu horrey u shaaciyay in ay Puntland joojisay dhammaan wadashaqayntii DFS, ayna u dhaqmi doonto sida dawlad gaar ah ilaa laga helayo dawlad Federaal oo ku shaqeysa dastuurka KMG ah ee DFS.