Xulka Qaranka 17-jirada Somalia oo 2-0 looga badiyay+SAWIRRO

267

Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaartii la wada sugayey ee Xulka Qaranka Somalia ee 17-jirada oo kulankoodii ugu horreeyay koobka Qaramada Qaaradda Afrika la yeelashay dhigooda xulka Algeria oo ay hal guruub ku wada jiraan.

Xulka Algeria ayaa 2-0 ku badiyey kulankan oo ahaa mid aad u adag ka dib khaladaad ay galeen ciyaartoyda difaaca Somalia.

Kulanka ayaa dhacay Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada Algeris, iyadoo ciyaartoyda Somalia ay soo bandhigeen ciyaar aad looga maqsuuday inkastoo laga badiyey.

“Marnaba guuldaro wax lagu faano maahan, mana ahan wax ay wiilasheena garoonka u galeen, balse waxey soo bandhigeen ciyaar aan caadi aheyn, Kaliya waxaan dhihi karaa fursadahoodii ayey iska khasaariyeen, waxeyna la ciyaareen xul diyaarsan oo ciidooda jooga.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka faalooda ciiyaraha
Ciyaarta waxaa kaalin aan caadi aheyn qaatay oo aan dhihi karaa doorkooda ma qarsoomin, Abdi Asia Bahur, Abdulkadir Marshale & Juuma (lambarka 4-aad).

Kooxda Somalia ayaa iska khasaarisay fursado fara badan oo loo fishay goolal inkastoo ay dedaal badan muujiyeen.

Algeria waa xul taariikh ahaan haysta guulo badan dhinaca kalena ay ka soo baxeen xiddigo caan ka ah Caalamka, Marka loo fiiriyo ciyaaryahanadeena Soomaaliyeed qaab ciyaareedkooda kubad haysashada iyo sida ay ula ciyaareen waxaa muuqanaysa iney muujiyeen dadaal weyn iyo xirfad wanaagsan.

Somalia ayaa waxaa u haray labo kulan oo hadii ay badiso rajadeedu tahay mid sare, waxayna kulankooda labaad la ciyaari doonaan Talaadada xulka dalka Congo.