Freddie Ljungberg Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee U Soo Bixista Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe Kadib Bar-Barihii Norwich City

1737

Tababaraha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Arsenal Ee Freddie Ljungberg Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Norwich City.

Freddie Ljungberg ayaa bar-baro ku bilaabay noloshiisa Arsenalisaga oo Hal dhibic ku hogaamiyay kulankiisii ugu horeeyay laakiin waxa uu sheegay in ay 100% kooxdiisu ku dhamaysan karto kaalinta 4-aad ee champions League loogu soo boxo.

Kadib ciyaartii 2/2 ahayd ee ka dhacday Carrow Road kaas oo sii dheereeyay kulamada guul la,aanta ah ee Arsenal taramada oo dhan kana dhigay 8 kulan kooxda Arsenal ayaa haatan 7 dhibcood ka dambaysa kaalinta 4-aad ee champions Leageu.

Tababaraha reer Sweden ayaa shaqada Arsenal ka badalay Unai Emery kaas oo shaqada laga caydhiyay jimcihii waxana labada gool u dhaliyay kabtanka kooxda Pierre-Emerick Aubameyang.

Bar-barahaas ayaan caawin rajadooda u soo bixista champions League laakiin Xiddigii hore ee Gunners ayaa sheegay in ay wali ku rajo weynyihiin u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Markii waxlaga waydiiyay in ay Arsenal ku soo bixi karto champions League ayuu Ljungberg ku jawaabay”Haa 100%, sida aad aragtay kooxuhu waxa ay luminayaan dhibcaha anaguna waxa aan luminay dhibco waa horyaal waalan wakhti xaadirkan”.

“Dabcan waxa aan rajaynaynaa in aan Arsenal ku soo celino champions League”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.