Gaalkacyo Gabar yar oo tooreey lagu dilay

2213

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay kooxo dhalinyaro ah ay tooreey ku weerareen mid ka mid ah Gabdhaha ku nool Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

Kooxda ayaa Gabadha oo kasoo baxday Salaada Taraawiixda waxa ay tooreeyda ka geliyeen Dhuunta,waxaana Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray) ay u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay falkaas ay Goobta ka baxsadeen dilka kadib,waxaana goobta tegay oo markii hore dhaawac ahaan goobta uga qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland balse ay Isbitaalka ku geeriyootay.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Gabadha yar iyo sababta loo dilay,hayeeshee haweenka kale ee habeenkii aadi jiray Salaada Taraawiixda ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland weli kama hadkin falkaas,waxaana uu qeyb ka yahay falalka Amnidarro ee markasta ka dhaca Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.