DAAWO : Qaabka Masaajidka Loogu dhex dilay Nabadoon Cariif

2115

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaabka loo dilay Nabadoon Ibraahim Cariif oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed ayaa shalay galab lagu dhex dilay Masaajid ku yaala xaafadda Juungal ee Magaalada Muqdisho.

Laba dhagar Qabe oo Hubaysan kana tirsan Alshabaab ayaa Nabadoonka ku dhex toogtay Masaajidka, waxayna Halkaasi ku dileen Ruux Soomaan, oo Waayeel ah, Kuna jira Gurigga alle isagoo Maalmihii lasoo dhaafay Ictikaaf u joogay masaajidka.

Nabaddoonka Alle ha u naxariistee oo la dilay xilli uu akhrisanayay Qur’aanka Kariimka, waxaana lasoo bandhigay Muuqaalka Kitaabkii oo Rasaastu ay ku dhacday, Taasi oo Dhinaca kale uga baxday.

Shacabka deegaanka ayaa siwayn uga naxay dilkan ka dhacay Masaajidka oo ay sheegtay Alshabaab .