Goolhayaha Man City Ederson Oo Ku Guulaystay Golden Glove-ka Premier League

1744

Goolhayaha Kooxda Man City ee Ederson ayaa ku guulaystay abaalmarinta Golden Gloves-ka ama Gacamaha daahabka ah kadib markii uu kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashada xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha reer Brazil ayaa noqday Goolhayaha ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2019/2020 isaga oo shabaqiisa ilaashaday kulamada ugu badan.

Goolhaye Ederson ayaa shabaqiisa ilaashaday 16 kulan oo ka mid ah 38 kulan oo uu ciyaaray horyaalka prmeier League xilli ciyaareedka 2019/2020.

Ederson ayaa abaalmarinta ku garaacay Goolhayaha Kooxda Burnley ee Nick Pope kaas oo shabaqiisa ilaashada 15 kulan xilli ciyaareedkan.