Chelsea oo Garaacdsy Wolves una Soo baxday Champion-ka +SAWIRRO

1867

Chelsea ayaa xilli ciyaareedka dambe ka qeyb galeysa tartanka Champion-ka ka dib guul ay u qalmeen oo ay ka gaareen kooxda Wolves oo ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah

Chelsea ayaa Wolves nasiinada ugu dirtay laba gool oo ay yimid dhamaadkii xilli ka hor Chelsea ay ku adkeyd in kubadda afka hore soo gaarsiiyaan illaa ugu dambeyn ay heleen Free Kick uu dhaliyay Mason Mount daqiiqaddii 45-aad

Ka dib Chelsea waxa ay ka faa`ideyteen qalad ka dhacay daafaca Wolves waxaana gool u turjumay Olivier Giroud daqiiqadihii dheeriga , waxaana Wolves ku adkaa in saxa ah kubadd au soo gaarsiiyaan aagga goosha Chelsea

Qeybta labaad , Chelsea waxa ay ku wacnaayeen kubad haysashada iyo baasaska deg deg ah balse halis gilin ma jirrin xili Wolves kaliya ay ku jireen is difaacid

Kulankaan waxa ay ciyaartooyda Chelsea soo bandhigeen kubad kalsooni leh iyo bilaa cadaadis oo ay sii dheereyd is fahan ciyaartooyda ah .

Dhanka kale Arsenal ayaa heerka labaad u dirtay Watford oo ay uga talaabsadeen 3/2 xilli Man City iyana ay xasuuqeen Nowrich City.