Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo diiday xilka qaadis uu sameyay Waare

1485

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ugaga soo horjeestey go’aan ka soo baxay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo uu shaqadii uga joojiyay guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Sh/dhexe.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa ka muuqday khilaaf maalmihii la soo dhaafay la sheegayay inuu ka dhex jiro guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Hirshabelle.

“Ma jiro xilka qaadis madaxda Maamulka Hirshabelle sameyn karto laga bilaabo maanta oo ah 21ka bisha April 2020.maadaama lagu gudo jiro xilli kala guur ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ka koobnaa shan qodob.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare oo lagu ogeysiinayay Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda ayaa lagu sheegay sheegay in shaqada laga joojiyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur,kuwaas oo lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka, isla markaana si Sharci darro ah ay ku fureen Goob ay dad badan isugu yimaadeen.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.