Jubaland: Cid lacag na siisay ma jirto +Video

1762

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaciyay in aysan soo gaarin saamigii ay ku lahaayeen lacago min hal malyan ah oo dowladda Soomaaliya sheegtay in loo fasaxay dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha guddiga Jubaland u qaabilsan ka hortagga iyo La tacaalidda xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in Jubaland aysan soo gaarin lacagtii dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda xanuunka Coronavirus.

Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale ah wasiirka Arrimaha gudaha Jubaland waxa uu tilmaamay in maamulkooda aysan haysan dhaqaale ay kula tacaalaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka COVID-19 islamarkaana ay hay’adaha caalamiga ah kaalmo weydiisteen balse ay ka waayeen.

Mudane Darwiish ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafaad ka dhex jira guddiga Jubaland u qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Coronavirus oo ku muransan arrimo dhexdooda ah.