Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

1662

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xafiiskiisa ka soo saaray wareegto xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Maxamad Caraale.

Isla wareegtadan ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo laga dhigay Cali Jeyte Cusmaan oo horay xilkan looga qaaday muddo laba jeer ah.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Maxmad Caraale ayaa xilkan hayey muddo sanado iyo dhowr bilood ah, iyadoo xubnaha kale ee maamulka gobolka wareegtadan looga dalbaday inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee la magacaabay oo xilkan labo jeer horey u soo qabtay.

Hoos ka Akhriso wareegtada