Gudoomiye Cumar Filish oo lakulmayehelada dadkii xalay ladilay +SAWIRRO

1660

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa la kulmay ehelada Wiilkii iyo gabadhii xalay lagu dilay Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay taliska qeybta guud gobolka Banaadir ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dejin lahaa rabshadaha ka dhashay dalka booliiska u geesteen dadka shacabka ah sidoo kale ehelada dadka la dilay looga codsan lahaa in ay xaalada dejiyaan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ehelada dadka la dilay u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka xalay ka geestay degmada Boondheere.

Cumar Filish ayaa sidoo kale u sheegay ehelada dadka la dilay in dolwada ay garab taagan tahay, waxa uuna ka codsaday in xaalada dejiyaan ayna arintooda gaartay madaxda dalka ugu sareysa waxna laga qaban doono.

Dilka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababaay in banaan baxyo rabshado watay xalay iyo saakay ka dhacaan inta u dhaxeysa Isgooska Jubba iyo Daljirka Dahsoon, waxaana banaan baxa dhigayay dad aad uga carooday dilka booliiska geesteen.