Sawirka askarigii xalay dilka ka geestay Muqdisho oo lasoo bandhigay

1821

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa saldhiga booliiska degmada Boondheere oo xalay dil dad badan ka naxeen u geestay labo qof oo shacab ah oo ku sugnaa gurigooda.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaana xaqiijiyay in xabsiga la dhigay D/Le booliis Xasan Aadan Xasan oo 24-sano jir ahaa kaa oo dil bareer ah u geestay Wiil iyi gabar shacab ah oon waxba ka galabsan.

Labada Marxuun uu askarigan dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheyd iyo Xasan Cali Cadaawe oo isna 24 sano jir ahaa, waxaana dilka labadan marxuun uu xalay ka dhacay degmada Boondheere.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in askarigan gacan ku dhiiglaha si deg deg ah maxkamad loo saari doono si loogu qaado dambiga dilka ah uu xalay ka geestay magaalada Muqdisho.

Dilka uu xalay geestay askarigan katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka abuuray rabshado, waxaana dad badan oo dilka ka careesnaa xalay gubeen taayaro iyagoo sidoo kale wadooyinka qaar xireen.