Gudoomiye Jawaari oo caawa Isbitaal loola cararay

1124

Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo caawa  la dhigay Isbitaalka Yardameelli ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu xanuunsaday/

Dad ku dhow xildhibaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Xaaladdiisa caafimaad ay soo hagaageyso kaddib markii dhaqaatiirtu la tacaaleen culeys xagga Neefsashada ah  oo Xildhibaanku ka cabanayey.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhowr iyo todobaatan jir ah ayaa ka mid ahaa Qubaradii kaalinta fiican ka ciyaartay Dejinta & horumarinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya.

Waxa uu noqday guddoomiyaha golaha shacabka intii u dhexeysay 2012-2018 ka dib markii ay mowshin ka keeneen Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo sababay inuu ugu dambeyn iska casilo xilka.