Gudoomiye Mursal “Gudoomiye kuxigeenka labaad anaga nama matalaayo”+VIDEO

1395

Waxaa Maanta Duhurnimadii Furmay Kulankii 16aad Kalfadhiga 7aad, waxaana Xarunta KMG ee Golaha Shacabka ka socda kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, waxaa goobjoog ah 142 Xildhibaan.

Guddiga arrimaha gudaha, maamulada gobolada iyo amniga ee golaha shacabka ayaa akhrinta labaad mariyay wax ka bedelka sharciga axsaabta Dalka.

Gudooomiye Mursal ayaa Ku Eedeeyey Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad mid shaqadiisii Gabay islamarkaana shalay raacay Wafdigii Kheyre.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Golaha Shacabka in Mahad Cawad uusan ku meteli karin Shirka Dhuuso mareeb,Golaha sidaa awgeedna ay tani muujineyso kala jab ku yimid Gudoonka Baarlamaanka.