Gudoomiye Yariisaw Awood Uma Lahan Inuu Xaalad Degdeg Soo Rogo

1724

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka jawaabay xaalada amni ee lagu soo rogay magaalada Muqdisho, kaddib qaraxyo si xiriir ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aanay midna hoos tagin Taliska Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, isagoo xusay in Guddoomiyaha Gobolka aanu awood u laheyn inuu soo rogo xaaladda degdega ah.

Waxaa uu sheegay in tallaabada Guddoomiyaha Gobolka ugu dhawaaqay in magaalada Muqdisho xaalad deg deg ah oo amni la geliyay ay tahay mid fashilka Mas’uuliyadda amniga ee Madaxda sare isaga loo saari rabo sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii Gobolka Banaadir la siiyo maqaamka maamul ee ay mudan tahay, dakhligeeda deegaanka loogu adeego, dadka ku dhaqan ay doortaan Madaxdooda ay Madaxda Gobolka Banaadir markaas mas’uul ka noqon karaan amnigeeda, hase ahaatee waxaa uu xusay inta ka horeysa in Madaxda dowladda Federaalka ee awoodda heysata aysan cid kale mas’uuliyadda uga siibanin, isla markaana madaxa furashana ka dhiganin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay kaga hadlay howlgallo amni oo magaalada ka bilaabanaya, isla markaana waddooyin badan ay xirnaan doonaan.