Harry Kane Oo Isku Qoray Taariikhda Kooxda Tottenham Kadib Goolkii West Ham

1718

Xiddiga weerarka uga cyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa sii wada dhigista taariikhiidsa Khaaska ah ee kooxda Tottenham kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda West Ham.

Weeraryahanka Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 175-aad ee kooxda Tottenham isaga oo noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda Tottenham.

Waxa kaliya Harry Kane ka horeeya xiddigaha Bobby Smith oo leh 208 iyo Jimmy Greaves oo leh 266 gool iyaga oo ah xiddigaha ugu goolasha taariikhda Tottenham.

Harry Kane ayaa dhaafay Halyeeyga kooxda ee Martin Ghivers kaas oo ay markii hore isku goolal ahaayeen bar-barona ku ahaayeen 4-ta xiddig ee ugu goolasha badan.