Wolves Oo Garaacday Chelsea +SAWIRRO

1565

Kooxda chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacay garoonka Molineux Stadium.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si isku dheeli tiran iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaarta fiican oo ay ku doonayeen in ay natiijo ku lehaan.

Kooxda chelsea ayaa dhanka ciyaarta maamulaysay iyaga oo ku badnaa kubad haysashada xilli ay Wolves dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood waxba kala dhalin inkasta oo ay sameeyeen fursado yar.

Qaybta Dambe:

Kooxda chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka hogaanka xilli ay Wolves lafteeduna ayna xumayn

Chelsea ayaa daqiiqadii 50-ad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud Kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wolves ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro ay doonayso in ay ciyaarta ugu soo laabtaan xilli ay Blues sii waday dadaalada ay ku doonaysay in ku dheeraysato hogaanka.

Wolves ayaa daqiiqadii 55-aadba dhalisay gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Fabio Silva laakiin Waxa lagu diiday goolkaas Offside uu ku jiray.

Laakiin daqiiqadii 66-aad ayay Wolves dhalisay gool sax ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Daniel Podence kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay kooxda Wolves dhalisay goolka guusha kadib markii uu xiddiga garabka uga ciyaara ee Pedro Neto gool qurux badan shabaqa dhex dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Woles Chelsea Dhabarka u saartay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah Premier League.