Hazard Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Chelsea

1746

Kubad sameeyaha kooxda Chelsea ayaa xaqiijiyay in uu ka huleelayo kooxda Chelsea ka dib markii kooxdiisa uu ku hogaamiyay koobka Europe Legaue.

Laacibakas ayaa soo bandhigay hanaan ciyaareed wacan waxa uuna kulankaas dhaliyay laba gool xilli mdi uu ahaa rigoore waxa ayna Chelsea kulankaas Arsenal ku garaaceen 4/1.

Waxa uu Hazard ka yiri BBC ” waxaan filayaa in kulankaan ahaa mid macsalaameyn ah , balse ma ogaan kartid waligaa waxa kubada cagta ka dhacaya”.

” Maalmaha soo socda ayaan wax waliba go`aamineynaa ee ku aadan mustaqbalkeyga , ujeedka kaliya ee niyadeeda ku jiray waxa uu ahaa in aan badinno kulankaan finalka”.

Waxa uu Hazard sii raaciyay “waan qaatay go`aankeyga dhab ahaan waxaan sugayaa in labada koox ay hishiis wada gaaraan”.

” Run ahaantii riyadeeyda waxa ay aheyd in aan ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska waan sameeyay waliba mid ka mid ah kooxaha ugu weyn ayaan u ciyaaray , haatan waxa la gaaray markii an sameyn lahaa tijaabo kale ” ayuu sii raaciyay Hazard.