Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed oo ladhisay (Aqriso magacyada xubnaha)

1728

Kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa lagu magacaabay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, sida ay shaacisay xukuumaddu.

Ibraahim Cali Xuseen oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay la-taliye sare ka ahaa wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa guddoomiye looga dhigay xubnaha loo magacaabay maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya.

Sideeda xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya ayaa kala ah:

1 –Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye)
2 -Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen)
3 –Ibraahim Axmed Leyte (Xubin)
4 –Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin)
5 –Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin)
6 –Axmed Xaaji Cabdi (Xubin)
7 –Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin)
8 –Iyo Mahad Maxamed Sheekh Xasan (Xubin).

Hey’adda Batroolka Soomaaliya waa markii ugu horeysay ee dalka laga aas-aasay, waxayna xukuumaddu sheegay in sababta loo aas-aasay ay tahay bilaawga qorshihii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.