Hirshabelle iyo Nabad iyo Nolol oo isku dhacay

1628

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madmadow markale soo dhex galay Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlada Federalka kadib markii Maamulka Hirshabelle uu waayay qoondadii dhaqaalaha ee uu ka heli jirey Dowlada Federalka.

Sida aan ka heleyno ilo ku dhow dhow maamulka Hirshabelle, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u sheegay qaar ka mid xildhibaanada Hirshabelle in dowlada federalka uusan ka helin ballanqaadyadii ay hore ugu fidisay iyo heshiiskii ay gaareen oo ahaa in maamulka Hirshabelle la siiyo dhaqaalaha ay dowlada federalka ugu talogashay.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa wararku ay sheegayaan in aysan helin saddexdii bilood ee ugu dambeysay mushaaraadkii ay ka heli jireen Dowlada Dhexe.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle waxa uu ka daray tiro gaareysa kala bar xildhibaanada Hirshabelle Golihiisa Wasiirada waxana uu u sheegay xubno ka mid ah xildhibaanada in maamulkisu uu sidoo kale ka waayay dhaqaalo labada gobol ee ku midowday maamulka Hirshabelle oo lacago canshuuro ah laga qaado ganacsatada ku nool.

Dadka u dhuun-daloola siyaasada dalka ayaa sheegaya in madmadowga soo dhex galay Dowlada Federalka Iyo Hirshabelle uu salka ku hayo burburkii ku yimid Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Maamulka Hirshabelle uu ka baxay,balse hadda ay dowlada federalka ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii ay u heli lahayd taageerada maamulka Jubbaland.

“Dowlada waxa ay u oggolaatay in kabadan hal malyan oo doolar Maamulka Jubbaland marka Maamulka Hirshabelle inay tixgelin weydo waxaa ugu wacan muhiimada ay u leedahay dowlada federalka Jubbaland.”ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabelle.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelanayso habsami u socodka howlaha dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo weliba arrintan ay ku soo beegantay xilli la sheegay in deegaano ka mid ah Maamul Goboleedka Hirshabelle laga saarayo illaa kun askari oo ka mid ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.